Halista Cudurka Daacuunka iyo ka hortagiisa

Halista Cudurka Daacuunka iyo ka hortagiisa

Halista Cudurka Daacuunka iyo ka hortagiisa
Halista Cudurka Daacuunka iyo ka hortagiisa

Halista cudurka Daacuunka: Sidee xal waara loogu heli karaa ka hortagiisa?

Dr. Yasin Abdi, 2017

Odhaahda tifaftirka

Cudurka Daacuunka, waxa ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabbilsan caafimaadka adduunka ee World Health Organisation (WHO) ku sifaysay inuu yahay astaamaha ama calaamadaha ugu muhiimsan ee tilmaama horumar la'aanta bulshada. Waayo-aragnimadii laga dhaxlay la dagaallanka Daacuunka ayaa fure iyo gundhig u noqotay fahamka guud ee cudurada faafa iyo hanaqaadka sayniska caafimaadka casriga ah ee dunidu ku tallaabsatay wixii ka dambeeyey dabayaaqadii qarnigii 19aad. Cudurka Daacuunku laga soo bilaabo 1994kii, wuxu noqday joogto (endemic) geeska Afrika gaar ahaan dhulka Soomaalida. Sida aan ka wada warqabnona wuxu ugu sii daran yahay sannadkan 2017ka oo uu ka dillaacay meelo dhawr ah, dad badanina ugu geeriyoodeen. Waxa ka mid ah goobahaas lagu arkay cudurka Daacuunka sannadkan bilowgiisii iyo badhtamihiisa Koonfurta Soomaaliya, Bariga dalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, si aan wax uga ogaanno waxyaabahaas iyo qaar kale oo ku saabsan sifooyinka iyo marxaladaha kala duwan ee cudurka Daacuunka, waxa qoraalkan soo socda soo diyaariyey Saxadoon.com. Kaas oo ay bulshada Soomaalidu ka heli doonaan aqoon, macluumaad, xogo dheeraad ah iyo faa’iidooyin badan oo ku saabsan dhinaca daryeelka caafimaadka iyo caafimaadka guud (Public health). Warbixintan oo aad u dheer, waxay si guud iyo si gaarba uga eegaysaa cudurka Daacuunka dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin siyaabaha looga hortagi karo. Waxay jawaab u raadinaysaa su’aasha ah, waa maxay sirta aan dawada iyo tallaalka ahayn ee dunida u suurtogelisay inay ka hortagaan oo xakameeyaan cudurka Daacuunka?
Fahamka guud ee cudurka Daacuunka, waxay innoo horseedaysaa garashada mawduucyo badan oo muhiim ah sida: caafimaadka iyo xanuunka, cudurada la kala qaado, caafimaadka guud, cilmiga shaybaadhada caafimaadka, barashada xanuunka iyo nidaamyada daryeelka caafimaadka. Soo bandhigista iyo faafinta mawduucyadan iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin himilooyinka iyo yoolka guud ee Saxadoonblog.com

Qoraalkan oo u yara badan academic, wuxu waxtar aqooneed iyo mid daraasadeedba u yeelan doonaa inay ka faa’iidaystaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida gaar ahaan xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, ardada, aqoonyahanka, cilmibaadhayaasha, maamulka hay'adaha dawladda, ururada samafalka, jaamacadaha, saxaafadda iyo dejiyeyaasha siyaasadda dalka (Policy makers). Guud ahaan dadweynaha iyo bulshada inteeda kale, wuxu u noqon doonaa wacyigelin, baraarug iyo wargelin guud.

Qoraalkani, isaga oo intan ka kooban ayuu hore u baxay oo warbaahinta galay. Halista iyo dhibaatada soo noq-noqota ee cudurka Daacuunka iyo baahida loo qabo in si qotodheer loo fahmo cudurkan awgeed ayaa kalliftay inaan qoraalkii hore wax ka bedel iyo isku habayn ku samaynay isla markaana ku soo kordhinno xogo badan iyo faah-faahin dheeraad ah. Waxaan filaynaa in dhammaan akhristayaashu ay wax badan ka korodhsan doonaan warbixinta.

Tifaftirka Saxadoonblog.com

Hordhac

Cudurka Daacuunka oo adduunka intiisa badan ka yaraaday, dalalka qaarkoodna laga cidhibtiray muddo hore ayaan weli qaaradda Afrika ka dhammaan oo dad badani ugu dhintaan sannad walba. Waddamada geeska Afrika ayaa ka mid ah meelaha cudurka Daacuunku uu inta badan ka dillaaco gaar ahaan waqtiyada abaaraha iyo xilliyada ay roobabku da’aan.

Cudurka Daacuunku, waa cudur ka mid ah cudurada faafa (infectious diseases) ee la is qaadsiiyo ama la kala qaado waxaana sababa oo keenta bakteeriyada lagu magacaabo, Vibrio cholerae. Daacuunku, wuxuu ku dhacaa oo saameeyaa xiidmaha yar ama mindhicirka yar taas oo keenta inuu sababo shuban aad u fara badan oo horseeda fuuqbax (dehydration). Sidaa awgeed, waxa dhimashada keenaa ama sababaa waa shubanka badan ee qofka la xanuunsanaya cudurka Daacuunka ay biyihii jidhkiisa ku jiray ka dhammaadaan.

Daacuunku, waa cudur marka uu meel ka dillaaco dadka ku abuuri kara argagax, cabsi iyo kala yaac. Wuxu caan ku yahay oo lagu yaqaan in dadku ugu dhintaan si deg deg ah oo naxdin badan saacado gudahood haddaan laga soo gaadhin oo laga daaweyn. Waxa uu mas'uul ka ahaa oo gallaaftay nolosha malaayiin dad ah, khasaare dhaqaale oo baxaad weyn leh, khalkhal iyo carqalad nololeed oo aad u adag oo uu u geystay qaybaha kala duwan ee bulshada ku noolaa meelo badan oo ka mid ah dunida sida aan ku arki doonno taariikhda cudurka Daacuunka (History of cholera infection).

Fadlan halkan ka akhriso warbixintan oo dhan: Riix Ligaxan hoose

halista cudurka daacuunka 2 (5).pdf file