Cudurka COVID-19; Saamaynta Caafimaad iyo aayaha muddada dheer By Dr Yasin Abdi

Cudurka COVID-19; Saamaynta Caafimaad iyo aayaha muddada dheer By Dr Yasin Abdi

Cudurka COVID-19; Saamaynta Caafimaad iyo aayaha muddada dheer By Dr Yasin Abdi
Cudurka COVID-19; Saamaynta Caafimaad iyo aayaha muddada dheer By Dr Yasin Abdi

COVID-19; Saamaynta Caafimaad iyo aayaha muddada dheer By Dr Yasin Abdi

Xanuunka COVID-19 waa cudur ku dhaca habdhiska neefsashada aadanaha oo si fudud loo kala qaadi karo
isla markaana si sahlan u faafi kara. Cudurkani, waa mid safmar ah oo sababa dhimasho ama le’asho badan iyo waxyeellooyin kala duwan oo ku habsada nolosha dadka. COVID-19 waxaa keena fayras ugub ah oo adduunka ku cusub kaas oo jiritaankiisa dhowaan la ogaaday. Fayraskani, ilaa hadda malaha wax daawooyin ah oo lagu daaweyn karo mana jiro wax tallaal ah oo lagu hor-qabatayn karo. Dabayaaqadii Diseembar 2019, ayuu markii ugu horreysay ka dillaacay waddanka Shiinaha haddase faraha ayuu ka baxay, waxa uu ku faafay caalamka oo dhan oo wuxu si dhakhso ah u noqday masiibo Saf caam ah [pandemic]. COVID-19 ilaa iyo maalintii uu bilaabmay waxa sii kordhaya dhibaatooyinka iyo saamaynta uu ku yeeshay nolosha bulshada adduunka. Wuxu keenay halis caafimaad, dhaqaale burbur, shaqo la’aan, cunto yaraan, hakad xagga waxbarashada ah, cabsi iyo jaahwareen ku dhacay isu socodkii dunida.

Qormadan, soo socota waxan si kooban ugaga hadli doonnaa guud ahaan sayniska cudurka COVID-19, saamaynta caafimaadka iyo aayaha muddada dheer ee SARS-CoV-2. Waxan ku guudmari doonna xaaladda caafimaadka adduunka ee hadda, saamayntii waayadii hore ee cudurrada faafa, fayrasyada ugubka ah iyo halistooda caafimaad, waxyaabaha keena fayrasyada ugubka ah, fayrasyada korona iyo asalkooda, qaab dhismeedka koronafayras, magacaabista rasmiga ah ee cudurka COVID-19, cudurka fayraska SARS-CoV-2, sidee cudurka SARS-CoV-2 loo qaaday, habka la isugu gudbiyo SARS-CoV-2, tilmaamaha lagu garto cudurka COVID-19, hababka ogaanshaha cudurka COVID-19, daaweynta cudurka COVID-19, siyaabaha looga hortago cudurka COVID-19, saamaynta iyo halistiisa caafimaad iyo ugu dambayntii mustaqbalka iyo aayaha muddada dheer ee cudurka COVID-19. Ujeedka qoraalkani waa sidii bulshadu u heli lahayd macluumaad iyo tixraacyo aasaasi ah oo ku saabsan cudurka COVID-19. Qaybaha uu qoraalku ka kooban yahay midba midka kale waa ka madax bannaan yahay, sidaa darteed, qof kasta mawduuca iyo qaybaha uu rabo ama xiisaynaayo buu dhugan karaa.

Xusuusin: Maqaalkan weli hore looma daabicin.