Cudurka COVID-19 Iyo Magac-bixintiisa Af Soomaaliga

posted 28th September 2025

Cudurka COVID-19 Iyo Magac-bixintiisa Af Soomaaliga By Dr Yasin Abdi
Xanuunka COVID-19, waa cudur ku dhaca habdhiska neefsashada aadanaha oo si fudud loo kala qaadi karo isla markaana si sahlan u faafi kara. Cudurkani, waa mid safmar ah oo sababa dhimasho ama le’asho badan iyo waxyeellooyin kala duwan oo ku habsada nolosha dadka. COVID-19 waxaa keena fayras ugub ah oo adduunka ku cusub, kaas oo jiritaankiisa la ogaaday sannad ka hor. Fayraskani, ilaa hadda malaha wax daawooyin ah oo lagu daaweyn karo laakiin waxa dhowaan lagu guulaystay in la soo saaro tallaal lagu hor-qabatayn karo, kaas oo qaadashadiisu ka billaantay hadda dalal badan.
Xusuusin: Maqaalkan waxa hore loogu daabacay Wardheer News, Feb 2021.