Specialties

Mawduucyada Sayniska Caafimaadka
Mawduucyo badan oo ka mid ah cilmiga sayniska caafimaadka ayaa si aqoondheeri ah loogu lafo guri doonaa degelka Saxadoon. Mawduucyadaas muhiimka ah waxa ka mid ah: caafimaadka iyo xanuunka (Health and disease), cudurrada faafa (Infectious diseases), caafimaadka guud (Public health), cilmiga shaybaadhada caafimaadka (Laboratory medicine/Pathology), nidaamyada daryeelka caafimaadka (Healthcare systems) iyo eraybixinta cilmiga sayniska caafimaadka.

Health & Diseases
Caafimaadka iyo Xanuunka
Fahamka iyo garashada caafimaadka iyo xanuunku waa u muhiim nolosha aadanaha guud ahaan iyo gaar ahaanba. Caafimaadku waa xaalad dhammaystiran oo jidheed, maskaxeed iyo bulsho ahaanba. Halka uu xanuunkuna yahay khalkhal ku dhaca habsami u shaqaynta xubnaha iyo habdhiska jidhka. Sidaas awgeed, samaqabka iyo saxo la’aantu maaha ladnaanta iyo maqnaanshaha xanuunka oo keliya.
Caafimaadka wanaagsani waa muhiim sababtoo ah wuxu u ogolaadaa shakhsiyaadka ama qofka inay ku shaqeeyaan heerkooda ugu sarreeya, gaadhaan/gaaraan awoodooda waxsoosaar, oo si buuxda uga qayb qaataan nolosha, iyagoo sidoo kale gacan ka geysanaya bulsho xooggan oo leh dhaqaale kobcaya iyo nolol tayo wanaagsan leh. Sidaas darteed, bulsho caafimaad qabta oo leh hannaan caafimaad oo tayo leh baa horumar wanaagsan gaadhi karta.
Taas beddelkeeda, xanuunku wuxuu horjoogsadaa awoodda uu qofku u leeyahay inuu si wanaagsan ugu noolaado, isagoo saameeya ama waxyeela awooddiisa uu ku fulinaayo yoolalka shakhsi ahaaneed iyo inuu la qabsado degaankiisa. Sidaas daraaddeed, bulsho aan caafimaad qabin oo tayada noloshoodu liidato waxna ma soosaari karaan isla markaana wax horumar ah oo wanaagsan ma gaadhi karaan.
Haddaba, waa lagama maarmaan inaan fahamno isla markaana ogaanno waxyaabaha kor u qaadaya caafimaadka wanaagsan iyo waxyaabaha keenaya waxyeellada iyo caafimaad xumada qofka iyo bulshada guud ahaanba. Qaybtan degelka Saxadoon, waxaannu si joogto ah ugu soo gudbin doonnaa arrimaha khuseeya ama la xidhiidha caafimaadka iyo xanuunka aadanaha haddii Ilaahay idmo.

Public Health
Caafimaadka Dadweynaha
Caafimaadka bulshadu/dadweynuhu waa sayniska iyo farshaxanka/xeeladda/tabta ka hortagga xanuunnada, cudurrada, suurtagelinta cimri-dhererka, iyo kor u qaadida caafimaadka dadka/bulshada oo dhan iyada oo loo marayo ama la adeegsanayo tallaabooyin habaysan ama abaabulan sida xakamaynta cudurrada, baraarujinta caafimaadka, siyaasadaha ku saabsan degaan nabdoon oo aan waxyeello lahayn iyo qaab nololeed caafimaad leh oo bulshada dhaqan u ah.
Muhiimaddeedu (caafimaadka dadweynaha) waxa ay ku jirtaa horumarinta wanaagga guud ee bulshada, wax ka qabashada cudurrada laga hortegi karo, hubinta helitaanka caafimaad tayo leh oo loo siman yahay inay bulshadu hesho, iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka sida marka cudurrada halista ahi dalka ka dillaacaan. Mawduucyo ku saabsan caafimaadka bulshada/dadweynaha ayaynu halkan ama qaybtan ku soo bandhigi doonnaa haddii Ilaahay raalli ka noqdo.

Infectious Diseases
Cudurrada Faafa
Cudurrada faafaa waa xanuunnada ay sababaan ama keenaan jeermisku (germs) ama noolayaasha yar yar ee loo yaqaanno ili-ma’aragtayda (microbes ama microorganism) sida bakteeriyada, fayrasyada, fangaha, dulinka ama deris ku noosha, iwm. Noolayaashani jidhka ayay ku soo duulaan ama soo galaan kuna tarmaan aakhirkana waxyeello ama cudur (infection) u keenaan. Cudurradani waxay u badan yihiin kuwa la kala qaado ama la isu gudbin karo ee sida fudud ama sahlan ku faafi kara waxana loo yaqaan cudurrada faafa (Infectious diseases/communicable diseases).
Fahmitaankoodu waa muhiim, sababtoo ah waa sababta ugu weyn ee keenta dhimashada iyo naafanimada adduunka oo dhan, gaar ahaan saameeya dadka nugul, waxayna yeelaan karaan ama keeni karaan saamayn dhaqaale iyo bulsho oo aad u ba’an sababtoo ah waxay awoodaan inay si deg deg ah adduunka ugu faafaan/fidaan sidii COVID-19 oo kale. Waxa wax lagaga qaban karaa iyada oo la qaado tallaabooyinka ka hortagga sida tallaalka iyo gacmaha oo la maydho ama dhaqidda/faraxalka (nadaafada), taas oo ay weheliso hore u ogaanshaha cudurka (early diagnosis) iyo daawaynta, ayaa muhiim u ah maaraynta iyo xakamaynta khatarahaas baahsan ee ay keenaan cudurrada faafaa. Si mug leh ayaa Saxadoon idiinku soo gudbin doonaa xogaha iyo macluumaadka ku saabsan la dagaallanka iyo ka feejignaanta cudurrada faafa haddii Ilaahay ka dhigo.

Laboratory Medicine
Shaybaadhka Caafimaadka
Shaybaadhka caafimaadku waa lafdhabarta caafimaadka iyo daawaynta xanuunnada iyo cudurrada. Shaybaadhka caafimaadku waa takhasuska caafimaad ee sida gaarka ah u adeegsada hababka kala duwan ee xanuunnada iyo cudurrada loo baadho sida kiimikaadka iyo bayoolojiyada si loo baadho muunadaha kala duwan ee dadka laga soo qaado si loo ogaado xanuunnada iyo cudurrada, saadaasha beskashada, daawaynta iyo la socodka daawaynta. Shaybaadhku door muhiim ah ayuu ka cayaaraa daryeelka caafimaadka isagoo siiya takhaatiirta/dhakhaatiirta xogo iyo macluuamaad lagama maarmaan u ah go’aan ka qaadashada guud ahaaneed iyo dariiqa loo maraayo daryeelka iyo daawaynta bukaanka.
Muhiimadda ugu wayn ee shaybaadhku waxa weeye inay awood buuxda u leeyihiin inay bixiyaan ama soo saaraan xogaha iyo macluumaadka daryeelka caafimaadka iyo ka hortagga waxyeellooyinka xanuunnada iyo cudurrada, hore u ogaanshaha xanuunka gaar ahaan xaaladaha aan lahayn caalamadaha iyo astaamaha xanuunka iyo cudurka, xulashada daawaynta ku haboon bukaanka iyo shakhsiyaynta daawada iyada oo loo maraayo hababka kala duwan ee ogaanshaha xanuunka. Ugu dambayntii waxa shaybaadhku saamayn weyn ku leeyahay natiijooyinka bukaanka iyo maaraynta kharashyada ku baxa daryeelka caafimaadka. Si dhug leh ayaynu macluumaad wax ku ool ah halkan ugu soo gudbin doonnaa idamka Ilaahay.

Antimicrobial
Daawooyinka Jeermisdilka
Daawooyinka jeermisdilku waa daawooyinka lidka ku ah ama lagu dilo jeermiska ama noolayaasha yar yar ee ili ma’aragtayda ah ee sababa cudurrada (infections). Daawooyinka noocan ah waxa lagu daaweeyaa cudurrada waxayna dilaan ama joojiyaan koritaanka jeermiska sida bakteeriyada, fayraska, fangasks, iyo dullinada/derisku noosha. Muhiimaddoodu waxa ay ku jirtaa awoodda ay u leeyihiin inay daaweeyaan iyo inay ka hortagaan cudurrada ku dhaca dadka, xoolaha iyo dhirta, maadaama ay lagama maarmaan u yihiin daawaynta casriga ah, sida qalliinada, isku rakibka xubnaha (organ transplant), iyo daawaynta cudurrada ama xaaladaha ay ka midka yihiin qaaxada, oof-wareenka iyo guud ahaan cudurrada iyo cudurrada faafaa.
Intaas ka dib, waxa kale oo jirta in maanta ay adduunka soo foodsaartay dhibaato weyn oo ka dhalatay ka dib markii daawooyinkii jeermisdilku ay mararka qaarkood waxbaba tarin. Taas oo ka dhalatay in jeermiskii iska difaacay oo u yeeshay adkaysi daawooyinkii lidka jeermiska (antimicrobial resistance). Arrintani, werwer weyn bay ku haysaa adduunyada waana muhiim in la fahmo sidii wax looga qaban lahaa iyo sidii loo yarayn lahaa adkaysanka jeermiska. Qormooyin xiiso leh iyo xogo kala duwan oo ku saabsan mawduucan ka filo jabadkan haddii Rabbi raalli ka noqdo.

Nutrition
Nafaqada
Nafaqadu waa habka cuntada looga helo nafaqada lagu noolaado. Waana laan ka mid ah cilmiga oo goonni u eegta cuntada iyo nafaqooyinka waxtarkooda. Haddii si kale loo dhigo, waa habka uu jidhku u qaato oo u isticmaalo cuntada iyo waxyaabaha la cabbo si uu u taageero hawlaha muhiimka ah ee shaqada iyo dhismaha jidhka, siinta ama bixinta tamarta iyo dhismaha looga baahan yahay fayoobida jidheed iyo maskaxeed, koritaanka, iyo ka hortagga cudurrada.
Nafaqada wanaagsani waa muhiim sababtoo ah waxay xoojisaa habka difaaca jidhka , waxay kordhisaa heerarka tamarta, waxay kor u qaadaa korriinka caafimaadka leh, waxayna si weyn hoos ugu dhigta halista xaaladaha raaga ama daba dheeraada sida xannuunada wadnaha, macaanka/sonkorowga, kansarka, iwm.
Nafaqadarradu waa waxa ugu badan ee dhibaatooyinka caafimaad ku haya dunida saddexaad dadkuna inta badan u dhintaan. Waa sababta keenta u nuglaanta cudurrada faafa iyo tamar yarida. Waa muhiim In lagu baraarugsanaado oo la hagaajiyo qaabka aynu cuntada u isticmaallo. Saxadoonblog.com waxay ku dedaali doontaa inay soo gudbiso mawduucyo la xidhiidha nafaqada cuntada haddii Ilaahay idmo.

Healthcare Systems
Nidaamyada Dalyeelka Caafimaadka
Nidaamyada daryeelka caafimaadku waa hannaan abaabulan oo isku dhaf ah oo u heellan bixinta dhammaan adeegyada kala duwan ee daryeelka caafimaadka ee bulshadu u baahan tahay. Hannaankani wuxu weeleeyaa oo meel keliya isugu keena muruqa iyo awoodda shaqaalaha ama dadka, dhaqaalaha, agabka iyo dhammaan khayraadka khuseeya fulinta, horumarinta, soo celinta iyo ilaalinta caafimaadka dadka dhexdiisa iyadoo la siinaayo adeegyo caafimaad.
Muhiimaddeedu waxay ku jirtaa horumarinta tayada nolosha bulshada, horumarinta caafimaadka dadweynaha, hubinta helitaanka daryeel caafimaad oo ku salaysan baahida bulshada, kobcinta iyo kor u qaadida wanaagga iyo fayoqabka bulshada. Nidaam caafimaad oo si wanaagsan u shaqaynaya ayaa si weyn u saamayn kara natiijooyinka caafimaadka dadweynaha, yaraynta kala duwanaanshaha adeegga caafimaadka, wuxuuna ka ilaalin karaa dadka/shakhsiyaadka burburka maaliyadeed ama dhaqaale ee ka soo gaadha xanuun ama jirada awgeed.
Waa mawduuc ballaadhan oo u baahan faah-faahin iyo sharraxaad dheeraad ah. Haddii Ilaahay ka dhigo waxan ku dedaali doonnaa inaan soo gudbinno wixii macluumaad ah ee khuseeya Soomaalida.

Books
Buugaagtu guud ahaan waa muhiim gaar ahaan kuwa caafimaadku. Buugaagta caafimaadka ayaa muhiim u ah bixinta faham habaysan, faahfaahsan oo ku saabsan mawduucyo caafimaad oo adag. Taas oo fududaysa ardada iyo xirfadlayaashaba inay si asaasi ah u fahmaan waxbarashada kana helaan tixraacyo iyo habraacyo ku salaysan sayniska caafimaadka. Haddii ilaahay ka dhigo wixii buugaag caafimaad ah oo ay qoreen dadka Soomaalidu halkan ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.