Ogeysiis Muhiim ah: Saxadoonblog.com

posted 3rd October 2025

Ogeysiis Muhiim ah: Saxadoonblog.com
Waxaan ku faraxsanahay inaan idin ogeysiinno oo idinla wadaagno in degelka Saxadoon, dib loo yagleelay ama loo bilaabay isla markaana imminka uu si rasmi ah hawada ugu jiro oo laga heli karo cinwaanka mareegtan : https://www.saxadoonblog.com/
Waxaan ku faraxsanahay inaan idin ogeysiinno oo idinla wadaagno in degelka Saxadoon, dib loo yagleelay ama loo bilaabay isla markaana imminka uu si rasmi ah hawada ugu jiro oo laga heli karo cinwaanka mareegtan ama website addresskan: https://www.saxadoonblog.com/
Saxadoonblog.com, waa mareeg loogu talogalay kor u qaadidda fahamka arrimaha caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka. Hadafkiisa ugu weyni waa soo bandhigista macluumaadka, ururinta xogaha la xidhiidha bixinta adeegyada caafimaadka iyo sayniska caafimaadka si ay u suurtagasho horumarinta iyo sii xoojinta nidaamka caafimaadka bulshada ku dhaqan geeska Afrika gaar ahaan Soomaalida.
Mawduucyo badan oo ka mid ah cilmiga sayniska caafimaadka ayaa si aqoondheeri ah loogu lafo guri doonaa degelkan. Mawduucyadaas muhiimka ah waxa ka mid ah: caafimaadka iyo xanuunka, cudurrada faafa, caafimaadka guud, nafaqada, cilmiga shaybaadhada caafimaadka, nidaamka daryeelka caafimaadka, cilmibaadhista ammuuraha caafimaadka, daawooyinka, wararka caafimaadka, kobcinta iyo ereybixinta cilmiga sayniska caafimaadka ee af Soomaaliga.
Ujeeddada ugu muhiimsan mareegta Saxadoon, waa sidii loo wargelin lahaa, loo tilmaami lahaa iyo sidii loo bari lahaa inta jaangoysa ee dejisa hannaanka adeegyada caafimaadka iyo inta isticmaasha adeegyada caafimaadka si loo horumariyo tayada iyo waxtarka daryeelka caafimaadka.
Waxan kale oo aan halkan baaq iyo codsi uga diraynaa dhammaan dhakhaatiirta, khubarada sayniska caafimaadka gaar ahaan xirfadlayaasha caafimaadka sida dhakhaatiirta takhasusyada kala duwan leh, kalkaaliyayaasha, farmasiistayaalka iyo dhammaan aqoonyahannada kale ee aqoonta sare u leh qaybaha kala duwan ee caafimaadka inay qoraallo iyo maqaallo tayo leh nagu soo biiriyaan. Si aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda xirfadeed madasha Saxadoonblog.com ula wadaagto bulshada Soomaalida ee aqoonta iyo cilmiga gaajada u qabta.
Muhiimaddu, waa in bulshada lagu gaadhsiiyo waxbarasho iyo wacyigelin caafimaad oo tayo leh, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda iyo aqoonta dhabta ah ee ay leeyihiin xirfadlayaasha iyo khubarada caafimaadku. Qormooyinkiinnu waxay noqon doonaan iftiin haga bulshadeenna, waxayna kaalin weyn ka qaadan doonaan horumarinta caafimaadka iyo wacyiga shacabka Soomaalida si noloshooda kor loogu soo qaado. Kaalintaadu waa muhiim – ku soo biir Saxadoonblog.com maanta!
Ugu dambayntii waxan dadwaynaha ku dhiirigelinaynaa inay soo booqdaan si ay uga faa’iidaysataan maqaallada, qormooyinka iyo macluumaadka caafimaadka ee ku duugan degelkan u heellan fahamka sayniska caafimaadka iyo wacyigelinta caafimaadka. Fadlan soo booqo si aad ula socoto qoraallo, warar sayniska caafimaadka ku saabsan iyo macluumaad xiiso leh.
Ku soo dhowaada Saxadoonblog.com – Caafimaadkaaga, Mudnaantaada!
Sidaa iyo booqasho wanaagsan.
Dr Yasin Abdi
Tifaftiraha Guud ee Saxadoonblog.com