Gorfeynta Buugga Elmi's Medical Encylopedia By Dr Yasin Abdi

Gorfeynta Buugga Elmi's Medical Encylopedia By Dr Yasin Abdi

Gorfeynta Buugga Elmi's Medical Encylopedia By Dr Yasin Abdi
Gorfeynta Buugga Elmi's Medical Encylopedia By Dr Yasin Abdi

Gorfeynta Buugga Elmi's Medical Encylopedia by Dr Yasin Abdi

Dr. Leyth Guuleed Cilmi, waxa uu dhowaan qoray buug muhiim ah oo la magac-baxay Elmi's Medical Encylopedia. Waa buug aan noociisa hore loogu arag maktabadaha iyo fagaarayaasha bandhigyada buugaagta Soomaalida. Elmi's Medical Encylopedia waa Qaamuus aqooneed mug leh oo la xidhiidha cilmiga daawada ama daawaynta xanuunnada, cudurrada iyo dhaawacyada. Waxa uu ku qoran yahay saddex luuqadood oo kala ah: English, Arabic iyo Somali. Waxa uu ka kooban yahay ama ku jira in ka badan 8500 erey oo eraybixinta caafimaadka ah. Xagga tirada bogagga, waa 393 bog marka lagu daro hordhaca iyo lifaaqyada. Sida uu qoraagu ku caddeeyey hordhaca buugga ama aad ka fahmaysid akhriskiisa, buuggan waxa loogu talogalay ardayda ka dhigata jaamacadaha cilmiga daawada iyo sayniska, dugsiyada kalkaaliyayaasha caafimaadka, machadyada daryeelka caafimaadka, dugsiyada sare, iwm ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba. Waxa sidoo kale, uu aad u anfacayaa xirfadlayaasha caafimaadka, hawlwadeennada wax ka tarjuma ama ka afceliya goobaha daryeelka caafimaadka iyo dhammaan cid kasta oo danaysa arrimaha caafimaadka.

Xusuusin: Gorfaynta buugga waxa hore loogu daabacay Wardheer News, May 2021