Go’aamiyayaalka Caafimaadka

Go’aamiyayaalka Caafimaadka

Go’aamiyayaalka Caafimaadka
Go’aamiyayaalka Caafimaadka

Go’aamiyayaalka Caafimaadka (Health Determinant’s) By Dr Yasin Abdi

Hordhac

Aragtida WHO ee qeexitaanka caafimaadku waxay salka ku haysaa inaanu caafimaadku kala dhantaalnayn oo dhammaystiran yahay waxayna ku jaangoysay saddex xaaladood oo isku xidhan una wada shaqeeya sidii la rabay oo suurtageliya caafimaad buuxa. Sidaan horeba u soo sheegnay saddexdaas unug ee waaweyni waxay kala yihiin:

1. Jidhka (Physical) oo ah qaybta dhismaha iyo shaqada ee baayoolojiyada taas oo ah in dhammaan qaybaha jidhku sidii la rabay u wada shaqaynayaan iyadoo aanay jirini wax xannibayaa.
2 . Maanka (Mental) oo ah awood maskaxeedka iyo garashada taas oo ah marka nafsiga, dareenka, garaadka, xaaladda maskaxda ee qofka ay caadiga yihiin oo caqligu buuxo.
3. Ladnaanta bulshada (Social wellbeing) oo ah awoodda u suurtogelinaysa aadanaha inuu xaalad fiican ku sugnaado kana badbaado dhibaatooyinka nolosha, isla markaana kula qabsado nolosha iyo la noolaanshaha bulshada inteeda kale. Waana isku xidhnaanta, wada shaqaynta iyo isdhexgalka bulshada taas oo suurtagelisa samaqabka iyo nolol isudheellitiran oo maangal ah.

Waxa markaa su’aali ka iman kartaa waa maxay waxyaabaha suurtageliya in la helo caafimaad buuxa iyo waxyaabaha ka hor iman kara ee kala dhantaalli kara caafimaadka. Waxyaabaha dejiya ee go’aamiya caafimaadka iyo caafimaad darrada qofka bani aadmiga ah waa natiijada ama dhaxalka laga helo waxyaabo badan oo kala duwan kuwaas oo ka qayb qaata marka dhinacyo badan laga eego caafimaadka qofka iyo guud ahaan dadweynahaba.

Badanaa waxa la soo qaataa laba aragtiyood oo kala ah: Aragtida laanta cilmiga caafimaadka (The health field concept) iyo Aragtida laanta cilmiga xidhiidhka dadka iyo deegaankooda (Ecological perspective).

1. Aragtida laanta cilmiga caafimaadka (The health field concept)

Sida ay sheegayso daraasadda arrimaha caafimaaadku waxa jira afar (4) sababood oo saamaayn weyn ku leh dejinta iyo suurtagalnimada caafimaadka iyo xanuunka.

1. Baayoolojiga aadanaha (Human biology)

Sababtani waxay ku xidhan tahay abuurka qofka iyo hiddesidayaasha aadanaha (human genes or genetic makeup) waana ta keenta tayada iyo awoodda la’ leeyahay ama waalidka laga dhaxlay oo laga hiddo raaco. Dhanka kalena marka laga eego arrintan waxa jira in waalidku ubadkooda u gudbiyaan xanuunada hiddaha lagu kala qaado taas oo fursad u siin karta in sifooyinkaas waalidiintu wixii ka farcama u sii gudbiyaan xanuunadaas. Xanuunnadaas, tusaale ahaan waxa ka mid ah Kaadi macaanka (Diabetes), xanuunnada wadnaha iwm.

2 .Saamaynta degaanka (Environmental impact)

Saamaynta degaanku waa degaanka bani aadmigu ku nool yahay iyo barada nolosha qofka ku xeeran ee ka baxsan qofka abuurtiisa ama jidkiisa taas oo ah wax kasta oo qofka debedda kaga yimaadda. Degaanku saamayn weyn buu ku leeyahay caafimaadka qofka waxaana ka mid ah:

1. Waxyaabaha nolosha u ah lagama maarmaanka (daruuriyaadka) ee ah lafdhabarta nolosha sida biyaha, cuntada, hawada iwm.
2. Waxyaabaha dabiiciga ah sida cimilada iyo roobka
3. Arrimaha nolosha ama uunka ee baayoolojiyada ah sida uumanka ili ma aragtayda ah (microbes), sunta iyo qashinka noolaha (biological waste)
4. Arrimaha kasha iyo nafsiga ee bulshada iyo awoodda dhaqaalaha sida isku dul noolaanshaha, isdulbaxa guryaha, heerka dakhliga dhaqaalaha iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.
5. Saamaynta waxyaabaha kiimikada sida qashinka ka soo baxa sanaaciga/wershadaha, qashinka beeraha iyo dikhawga ama wasakhowga hawada (air pollution).

3. Qaab nololeedka (Life style)

Hab dhaqanka arrimahani waa waxyaabaha dadku u saameeyaan si kasmo ah ama kasmo la’aan ah oo miyir iyo miyir la’aan ah. Waxay ku xidhan tahay inta jeer, muddada iyo ujeedadda ay ka leeyihiin. Waxyaabahaas dhaqan maalmeedka ah ayaa la ogaaday inay dhibaato u leeyihiin caafimaadka qofka waxaana ka mid ah cabbidda sigaarka iyo isticmaalka tuubakada, qaadka, galmada suuqa madow, cunidda cuntooyinka sadhaysan iyo cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayn ee ay ku badan yihiin duxda/baruurta, sonkorta iyo cusbada ama milixda.

4. Abaabulnaanta daryeelka caafimaadka (Organised Health care)

Abaabulnaanta daryeelka caafimaadku waxay ku xidhan tahay awoodda daryeelka caafimaadka marka laga eego suurtagalnimada bixinta daryeel caafimaad oo taam ah waxyaabahaana waxa ka mid ah: Awoodda dhaqaalaha ama maaliyadeed, shaqaalaha caafimaadka xirfaddooda iyo takhakhuskooda gaarka ah, agabka caafimaadka sida qalabka, goobaha caafimaadka iyo maamulkooda guud. Helitaanka caafimaadka tayada leh ayaa ah sababta ama go’aamiyaha caafimaadka qofka iyo bulshadaba isla markaana saamayn weynna ku leh.

Helitaanka daryeel caafimaad oo abaabulan ama agaasimani waxay ku xidhan tahay asbaabahan soo socda ee khuseeya baahida caafimaadka waxaana ka mid ah:

1. Helitaanka adeegga caafimaadka (Availability of health service)

Dadka ku nool meelaha aan laga heli karin adeegga caafimaadka sida miyiga iyo tuulooyinka iwm. Waxa dadkaas soo wajahda dhibaato caafimaad waana kuwa ugu hooseeya xagga xaaladda caafimaadka marka loo eego kuwa ku nool meelaha laga heli karo daryeelka caafimaadka sida magaalooyinka oo ah kuwa ugu caafimaadka wanaagsan. Helitaan la’aanta adeegga caafimaadku waxay sababtaa caafimaad la’aan iyo dhibaatooyin badan oo la xidhiidha dhinaca caafimaadka iyo noloshaba.

2. Filnaanshaha adeegga caafimaadka

Yaraanta adeegga caafimaadku waxay keentaa ama sababtaa daryeel caafimaad oo aan ku filnayn bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba. Halkaasna waxa ka dhasha dhibaato iyo xaalaad caafimaad xumo ah, tayo xumo nololeed iyo xaalad caafimaad oo liidata oo bulshada soo wajahda marka aanu ku filnanyn ageegga caafimaadku.

3. Ogolaanshaha bulshadu ogolaato daryeelka caafimaadka

Haddii aan adeegga caafimaadku ka tarjumayn baahida iyo rabitaanka bulshada waxa dhacda inaan bulshadu soo dhoweyn ama aqbalin adeeggaas caafimaad taas oo sababi karta in hannaankii caafimaadku istaago ama waxyeello soo gaadho bulshadana ku keeni kara dhibaato xagga caafimaadka ah.

Asbaabaha, keena inaan bulshadu soo dhoweyn weydo adeegga caafimaadka waa marka ay u arkaan inuu ka hor imanayo diinta, dhaqanka bulshada iyo marka ay naftooda uga baqaan oo ku kalsoonaan waayaan tayo la’aan awgeed.

4. Gaadhitaanka adeegga caafimaadka

Helitaanka caafimaadka ayaa ku xidhan gaadhitaankiisa marka laga eego dhowaanta iyo fogaanta goobaha daryeelka caafimaadka iyo sida bulshadu ku tegi karto. Waxa kale oo ay ku xidhan tahay awoodda dhaqaalaha iyo inta bulshada kharash ahaan awoodi karta si ay u hesho adeeg caafimaad oo tayo leh. In la gaadhi karo goobaha iyo xarumaha caafimaadka iyo la awoodo ama la heli karo ayaa muhiim ah si loo helo adeeg caafimaad oo waxtar leh.

Dadka saboolka ahi inta badan ma awoodi karaan kharashka caafimaadka iyagaana ugu caafimaad liita bulshada. Dadka degan meelaha ka fog magaalooyinka sida reer guuraaga iyana ma soo gaadhi karaan goobaha caafimaadka.

5. Tayada daryeelka caafimaadka

Tayada daryeelka cafimaadku waxay ku xidhan tahay oo muhiim ah inuu yahay adeeg iyo hannaan caafimaad oo dhammaystiran, sii soconaya oo joogto ah isla markaana ah daryeel caafimaad oo isku dhafan ama dhex jira oo ka kooban ilaa heerarka kala duwan sida ka hortagga, daaweynta iyo baxnaaniska ama caafimaad celinta.

2. Aragtida cilmiga xidhiidhka dadka iyo deegaankooda (Ecological perspective)

Saamaynta ay caafimaadka bulshada ku leedahay xidhiidhka ka dhexeeya dadka iyo deegaankoodu waxa loo qaybiyaa afar (4) saamaynood.

1. Saamaynta muuqaalka dabiiciga ah.

Sababaha ka yimaadda xagga muuqaalka dabiiciga ah waxaa ka mid ah:

1. Juqraafiga

Qaab juqraafiyadeedka dhulka ayaa saamayn ku leh xaaladda caafimaadka bulshada taas oo ay ku xidhan tahay kala duwanaanta dhulka sida dhulka sare, buuraha, dhulka hoose, bannaanada iyo cimilada dhulka sida kulaylka, qabowga, huurka iyo roobka. Qaabka dhulka iyo cimiladu waxay sababi karaan caafimaad darro waxaana dadka ku dhaca xanuuno kala duwan oo la xidhiidha dhismaha dhulka iyo xilliyada waqtiga.

Tusaale ahaan xilliga qaboobaha waxa bata oo dadka ku dhaca cudurka hargabka iyo cudurada ku dhaca habdhiska neefsashada. Waqtiga roobka waxa dadka ku dhaca cudurka Duumada/kaneecada halka ay xilliyada abaaraha dadku u dhintaan cudurada keena shubanka iyo xanuunada ay nafaqodarradu sababto.

2. Degaanka

Xaaladda degaanka ee dadku ku nool yihiin ayaa saamayn ku leh caafimaadka bulshada taas oo la xidhiidha dad badnaanta ama buuxdhaafka dadka, cidhiidhiga, tartanka khayraadka dhulka, nabaadguurka, biyaha iyo hawada.

3. Qiyaasta bulshada/beesha

Arrintani waxay saamaysaa qaabaynta tirada dadka iyo baahidooda caafimaad taas oo ku xidhan sida qorshaha caafimaadka iyo khayraadka loogu jaangooyo daryeelkooda caafimaad.

4. Horumarinta sanaaciga

Sanaacaynta ayaa saamayn weyn ku leh xaaladda caafimaadka bulshada taas oo dhib uu keenta degaanka dadku ku nool yihiin ama ka shaqeeyaan waxaana ka soo gaadha dhibaato caafimaad darro sida dhaawacyada, saxa xumada ka dhalata sunta sanaaciga iyo wasakhda ka dhalata nadiifintooda.

2. Bulshada iyo hab dhaqankeeda

Sababaha ka yimaadda bulshada iyo hab dhaqankeeda ee saameeya caafimaadka dadka waxay ku xidhan yihiin waxyaabaha ay rumaysan yihiin iyo waxyaabaha ay maalin walba sameeyaan.

Waxa ka mid ah arrimahaas: Waxyaabaha ay aamminsan yihiin ama rumaysan yihiin xagga caafimaadka iyo xanuunka, caadooyiinka, go’aamada ama aragtiyaha aan salka lahayn ee ay ku dhaqmaan, xaaladooda dhaqaale, siyaasadda xagga caafimaadka, diinta, waxyaabaha bulshada u caadiga ah sida cabbista sigaarka, qaadka, cuntada badan iyo fadhiidnimada iwm.

3. Abaabulka bulshada

Habka ay bulshadu isu abaabulaan si ay u helaan caafimaad tayo leh ayaa saamayn ku leh caafimaadkooda siiba sida ay hadba ugu dedaalaan meesha looga baahan yahay caafimaad iyo sidii dhammaan bulshadaas ama beeshaasi (communities) u heli lahayd caafimaadkay u baahan yihiin.

4. Hab dhaqanka nolosha bulshada

Sida ay bulshadu ama dadku u nool yihiin ayaa saamayn weyn ku leh caafimaadkooda guud iyo gaar ahaanba. Waxa ka mid ah cuntada iyo tayadeeda, nolosha fadhiidka ah, socodka, orodka, jimicsiga ama jidh dhiska, isticmaalka maandooriyayaasha, sigaarka, qaadka iyo waxyaabaha kale ee caafimaad darrada keena.

Gunaanad

Qodobada ugu muhiimsan ee ka midka ah waxyaabahaas aan soo sheegnay ee go’aamiya caafimaadka aadanaha waxan ku soo koobi karnaa afar (4) tiir iyo saamayntooda caafimaadka iyo caafimaad darrada. Kuwaas oo kala ah:

1. Bayoolojiyada (Biological)

Sida hiddaha iyo wixii la xidhiidha (Heredity)

2. Degaanka (Environment)

Saamaynta ugu weyn waxa ku leh caafimaadka degaanka sidaan horeba u soo sheegnay waxaana ugu sii daran kan dad samayga ah ee loo yaqaan degaan gacmeedka ama gacan ku samayska (man made environment). Waxyaabahaas waxyeellada keena waxa ka mid ah saamaynta dhismayaasha, waddooyinka, gaadiidka, sanaaciga, isgaadhsiinta iwm. Waxyaabahaas oo dhammi waxay keenaan dikhowga ama wasakhaynta degaanka (environmental pollution) haddaan la nidaamin oo xadayn loo samayn.

3. Adeegga caafimaadka (Health service)

Waxyaabaha looga baahan yahay adeeg caafimaad ee saamaynta ku leh caafimaadka aadanaha waxa ka mid ah: baraarujinta iyo wacyigelinta/wargelinta, ka hortagga, daaweynta iyo baxnaaniska. Taas oo ku xidhan adeegga caafimaadka helitaankiisa, gaadhitaankiisa, awooditaankiisa, filnaanshihiisa iyo ogolaantiisa bulshada.

4. Hab dhaqanka (Behavior)

Waxyaabaha caafimaadka saamaynta ku leh ee ka yimaadda dhinaca hab dhaqanka bulshada sidaan horeba u soo sheegnay waxa ka mid ah: waxyaabaha ay qabtaan ama sameeyaan, caadooyinka, ficil qaadashada, waxyaabaha ay rumaysan/aaminsan yihiin, maanhagooda iyo qaab/hab nololeedkooda (lifesyles).

Dr. Yasin Abdi, April 2017
yabdi67@gm