Qeexidda Caafimaadka

posted 29th September 2025

Qeexidda Caafimaadka (Health Definition)
By Dr Yasin Abdi, February 2017
Caafimaadku waa waxa ugu mudan nolosha aadanaha, waxa daliil u ah marka ay bulshadu kulanto ama iska soo hor baxaan waxa keliya ee ay is weydiiyaan waa caafimaadka. Waxa ka mid ah weydiimahaas: caafimaadka ka warran, waa sidee caafimaadkiinnu, ma caafimaad qabtaan, ma ladan tihiin, ma faydaan, ma barideen iwm. Marka cid bulshada ka mid ah caafimaad darro ku dhacdo, dhammaan beeshu (community) waa u soo wada gurmadaan si ay u soo booqdaan una soo eegaan bukaanka xaaladdiisa caafimaad. Dhinac kale haddii aan ka eegno, marka qof ka mid ah bulshadu uu xanuunsado wax kasta oo uu caafimaad ku helaayo waa sameeya. Haddii aanu awoodinna ehelkii baa kula tacaala sidii caafimaad loogu heli lahaa, mood iyo maalba wixii la hayo waa loo huraa.
Wax badan baan maqalnaa iyada oo laga hadlayo caafimaad. Haddiise lays weydiiyo waa maxay caafimaad waxa laga yaabaa in cid si fiican u tilmaami kartaa innagu yar tahay. Caafimaadka aad iyo aad bay u adag tahay in la qeexo laakiin waa sahlan tahay in la fahmo. Doodo badan baa ka taagan sidii loo qeexi lahaa caafimaadka mana jirto aragti keliya oo qeexitaankiisa taam ka dhigaysaa. Waxa jira fekerro iyo aragtiyo badan oo dugsiyada aqoonta (academic school’s) iyo hogaamiyayaasha siyaasadda caafimaadku ku kala faham duwan yihiin. Halkan waxan ku soo qaadanaynaa qeexitaanka ay soo jeedisay ha’yadda caafimaadka adduunka oo ah ta inta badan la isku raacsan yahay dawladuhuna ku dhaqmaan.
Caafimaad (health), ladnaan, saxoqab/saxaqab ama fayoqab inta badan waxa lagu qeexaa maqnaanshaha xanuunka ama jirrada. Sida maqnaanshaha bukaanka, dhaawaca, cudurka, xanuunka, burooyinka iyo xanuunnada kale ee waxyeela awoodda dabiiciga ah ee jidhka ama jirka sida hadba loo yaqaan. Laakiin qeexitaankani ma dhammaystirna waayo wuxu diiradda saarayaa oo keliya maqnaanshaha xanuunka waxa weli ka dhiman waa maxay caafimaad buuxaa oo sugani. Qeexitaanka dhammaystiran ee caafimaadku wuxu caafimaad ku saleeyaa inuu caafimaad qabku yahay laxaadka, miyirka buuxa iyo jiritaanka hannaanka bulshada ee fududeeya caafimaadka.
Distoorka ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka adduunka, World Health Organisation (WHO) ee la qoray 1948kii wuxu caafimaad ku qeexaa inuu caafimaadku yahay dhammaanshaha ay qofka u dhan yihiin “fisikada jidhka (jismiyan), maskaxda iyo wanaagga/ladnaanta bulshadeed, mana aha maqnaanshaha xanuunka iyo itaaldarrada oo keli ah”. Waxana ansixiyey 191 dal oo ka mid ah xubnaha WHO.
(WHO definition of Health: “Health is a state of complete physical, mental and social well-being and not merely the absence of disease or infirmity”.
The correct bibliographic citation for the definition is: Preamble to the Constitution of the World Health Organization as adopted by the International Health Conference, New York, 19-22 June 1946; signed on 22 July 1946 by the representatives of 61 States (Official Records of the World Health Organization, no. 2, p. 100) and entered into force on 7 April 1948. The Definition has not been amended since 1948)
Qeexitaanka WHO waxan ka fahmi karnaa, caafimaad waa ladnaanta jidhka, kasha iyo wax la'haanta. Sida muuqata caafimaadka jiriddiisa shardi uma aha xanuun oo dhan la’aantii ee waxa shardi u ah qofku inuu ladnaan dareemo, xataa hadday hayaan waxyeellooyin yaryar qaarkood. Dhinac kale haddaan ka eegno wixii nafta aad u saameeyaa caafimaadka jiriddiisa waa saamayn karaan in kastoo oogadu fayoowdahay. Qof duray/hargab fududi hayo waa la odhan karaa waa caafimaad qabaa, qofkii aad u tiiraanyaysanse lama odhan karo waa fayoow yahay.
Qeexitaankani (WHO) wuxu caddaynayaa inaan caafimaadku ahayn oo keliya shaqada bayoolojiga (biological function) ama in qofku nool yahay. Caafimaadku wuxu ka imanayaa nolosha (biology), nafsiga (psychology), bulshada (sociology) iyo qodobada kale ee suurto geliya caafimaadka wanaagsan.
Ku noolaanshaha iyo ku raaxaysiga heerka ugu sarreeya ee caafimaadku wuxu ka mid yahay xuquuqda aadamiga aasaaskeeda ee aadanaha ilaahay siiyey. Taas oo aan ku xidhnayn qolada, siyaasadda qofku rumaysan yahay, caqiidada, dhaqaalaha iyo xaaladihiisa bulsheed.
Inkasta oo aanay inta badan adduunka maanta ka jirin cid la odhan karo waxay haystaan caafimaad dhammaystiran oo buuxinaya bayaanka WHO. Haddana qeexitaanka WHO ee caafimaadku waxay siinaysaa cid walba bartilmaameed (target) inay kor ugu qaaddo daryeelka caafimaadka iyo hannaanka ama nidaamka caafimaadka guud ee dadweynaha taas oo ujeedaddu tahay sidii ay u wada shaqeeyaan si kor loogu qaado xaaladda hagaajinta caafimaadka shaqsiyaadka iyo bulshooyinka.
Marka caafimaadka qofku sidaas yahay oo isugu dheellitiran yahay waxa lama huraan ku ah ummad walba iyo dalkasta in la ilaaliyo caafimaadka guud iyo ka gaar ahaaneed ee bulshdada si looga hortago wax kasta oo caafimaad darro iyo hoos u dhac nolosha u keenaya. Taana waxa lagu gaadhi karaa daryeel caafimaad oo nidaamsan isla markaana waxtar iyo tayo leh.
Dr. Yasin Abdi